Taliye Xijaar oo Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

14

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar Shaqo ku jooga Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Booliska Caalamiga ah ee Interpol  Jurgen Stock.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Booliska Soomaaliya iyo Interpol ee ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa uga mahad celiyay Xoghayaha Guud ee Booliska Caalamiga ah Interpol wadashaqeynta ka dhaxeeysa, isaga oo sheegay inay dhinacooda dardar gelin doonaan.

Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa Ciidamada Booliska ee dalalka Caalamka waxaa uu kala Shaqeeyaa soo qabashada dadka dambiyada culus gala ee la baadi goobayo markii laga dalbado.