Maamulka Koonfur Galbeed oo ka qeylo dhaamiyay Abaarta

2

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed Barre Aadan Cabd ayaa ka hadlay xaaladda abaareed ee xilligaan kajira degaano ka tirsan Gobolka Bakool iyo Amarro kasoo baxay Wasaaradda.

Wasiir kuxigeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in xaaladaha bani’aadannimo ee kajira Gobolka Bakool ay marayaan meeshii ugu dambeeysay, isla markaana Bulshada ay u baahan yihiin in loo sameeyo gurmad deg deg ah.

Degaannada iyo degmooyinka ugu daran oo ay abaartu saameysay ayuu ku sheegay, degmooyinka Xudur, Waajid, Tiyeegloow iyo Rabdhuure, kuwaas oo badankood ay horay u go’soomiyeen Ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka ayaa ugu baaqay Culimada iyo Shacabka kale ee kunool degaannada Koonfur Galbeed inay badiyaan Qur’aan akriska, isla markaana 5-ta Waqti ee Salaada ay Qunuudaan.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay bulshada in Maalinta Sabtida ee Berito ah inay isugu soo baxaan Masaajida iyo fagaarooyinka ayna dukadaan Salaad roobdoon ah si abaarta looga baxo.

Abaarta uu Maamulka Koonfur Galbeed ka qeylo dhaamiyay ayaa waxaa ay kajirtaa degaano badan oo kuyaal Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyada oo Maamulada kajira dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay walaac muujinayaan.