Itoobiya oo sharuudo adag dul dhigtay kooxda TPLF si dagaal looga baaqsado

6

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay haddii la doonayo dagaalka waqooyiga Itoobiya muddo sanad ah ka socda nabad lagu soo afjaro in TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood.

Afhayeenka oo maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay xafiiskiisa ku qabtay wuxuu sheegay haddii la donayo dagaalka in nabad lagu soo afjaro TPLF looga baahan yahay iney seddex arrimood sameeyaan.

“Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

“Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri