Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Bari.

2

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Al-shabaab uu ka dhacay buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii  ciidamada maamulka  Puntland ay hawlgal qorshaysan ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu muddo saacado ah uu ka socday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Af-urur, sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.