Ciidamada Gobolka Hiiraan Oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanno Ka Tirsan Gobolkaasi

1

Howlgalka oo ay iska kaashadeen maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada Baladweyn iyo ciidamo wadajir ah oo ka  howlgla galbedka iyo koofurta , waxaa  intii uu socday ay  ciidamada isku ballaariyeen Deegano dhowr ah oo ay kamid yihiin Deeganka ceelka baar, Biitale Jaaburow iyo degano kale.

Gudomiyaha dagmada Balad weyne  Cusmaan dhicisow dhubow ayaa ciidamadaasi ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Gudomiyaha ayaa sheegay in  deegaanadaasi ay gaareen ciidamada ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay  In hey’adah sama falka iyo shrkadaha hormuud iyo dahabshiil in ay gurmad u sameyaan dadkaasi oo la ildaran abaaro.