RW Rooble “waxaan booqanayaa goobaha ay ka dhacayso Doorashada”

2

:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu safarro ku kala bixiyo magaalooyinka ay ka dhacayso doorashada golaha shacabka.

Rooble ayaa sheegay in uu safaradan uga golleeyahay in uu kormeero xarruumaha ay ka dhacayaan doorashada Golaha Shacabka.

“Wixii ka billowda Jimcaha waxaan diyaarinayaa safarro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka” ayuu yiri RW Rooble

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo guddiga Doorashada ay sheegeen ay qalabka Doorashada geeyeen magaaloyinka loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashada.

Ra’iisul wasaaraha oo maalintii shalay kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka ayaa faray in ay dada-jiyaan howlaha si dhammaanka sannadkan dalka uu helo dowlad cusub.