Wafdi ka socda Maamulka Jubbaland oo ka qeyb galaya Shirka…

3

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed, ayaa Magaalada Dubai ee isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgalay shirka asbuuca Saliidda ( Shidaalka) ee Qaaradda Afrika oo ay Martigalisay Dowladda Imaraadka.

Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha la xariira maalgashiga Shidaalka iyo Macdanta kala duwan ee ay hodanka ku tahay qaaradda Afrika, waxaana ka qeybgalaaya 45 wasiir oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo shirkado badan oo daneeya shidaalka Afrika.

Shirka ayaa socon doona inta u dhaxaysa 8-11 bisha November 2021, Waxaana inta uu shirku socdo laga hadli doona saliidda iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah ee ay qaaraddu hodanka kutahay.