Wasiir Jamaal oo Khudbad ka jeediyay Shirka QM ee Isbeddelka Cimilada

15
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Danjire Jamaal Maxamed Xasan, ayaa khudbad ka jeediyay maanta shirka Qaramada midoobay ee looga hadlayo Isbeddelka Cimilada (COP26 ) ee ka socda Scotland, UK.
“Waxaa si buuxda nooga go’an meel marinta isbadalka kaas oo ku saleysan wadatashi bulsho si sare loogu qaado hanaanka horumarinta oo loo dhan yahay ayuu yiri wasiirka qoraheynta oo maanta oo isniin ah qudbad ka jeediyay shirka isbadalka cimilada ee ka socda Scotland” ayuu yari Wasiir Jamaal .
Wasiir Jamal ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Scotland, UK. in uu kulamo kala duwan la qaato wufuuda kala duwan ee ka qeyb galeysa Shirka Qaramada Midoobay ee looga hadlayo Isbeddelka Cimilada.