Midowga Afrika oo Wafdi u soo diray Muqdisho kadib ceyrintii Simon Mulongo

7

Magaalada Muqdisho waxaa Galabta soo gaaray Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC), kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad,.waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya, Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska Augustine Magnus Kailie.

Imaanshaha Wafdigaan ka socda Midowga Afrika Magalada Muqdisho ayaa daba socda go’aankii DFS ku ceyrisay kuxigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Simon Mulongo , waxaana saaxadaha soo socda ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilada Beesha Caalamka.