Wararka Maamulka DDS oo Ciidamo horleh tababartay kadib dagaalka Itoobiya..

1

Xerada tababarrada Ciidanka Gaashaanle Khadar Soofe ee degmada Birqod ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa tababar loogu soo veba-gabeeyay 600 oo Ciidan maleeshiya ah oo muddo tababar ciidannimo ku qaadanayay halkaas.

Ciidankan oo ah dufcaddii 2aad ee maleeshiya ah ee ka qalin-jabiya xerada tababarrada ciidanka Gaashaanle Khadar Soofe ee degmada Birqod ee gobolka Jarar oo tababarka ciidannimo uu u socday muddo 2 bilood ah ayaa la barayay xirfadaha iyo tababarrada kala duwan ee ciidannimo.

Munaasabadda qalin-jabinta ciidanka maleeshiyada ayaa waxaa  qeyb-galay masuuliyiinta hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Maxammed Cali Daahir, taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee Deegaanka, Maxammed Axmed Maxammuud, madax ciidamada maleeshiyayada DDS, Cabdullaahi Qaasim, maamulka gobolka Jarar iyo madax kale.

Masuuliyiintan oo salaan-sharafeed ka qaatay ciidanka ayaa munaasabaddan ka sheegay in ay xukuumaddu dhistay isbaddelkii kaddib cudud ciidan oo xoog leh oo bulshada si hufan ugu adeega qalin-jabiyayaashana kula dar-daarmay in ay u gutaan shaqadooda sidii loogu talo’gay.

Tababarkaan Maamulka dowlad degaanka Soomaalida uu siiyay Ciidamada Cusub ayaa daba socda kadib markii uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.