Taliska Booliska oo digniin kasoo saaray dhaca & Anshax xumada ka socota Tiktok

6

Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen Taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay digniin adag kasoo saareen dhaca kooxaha burcadda ah iyo falalka anshax xumada ah ee kasocda baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok.

Kulanka oo uu ahir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa Amniga Caasimadda maadaama la galayo doorashooyin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay aad ugu soo bateen magaalada Muqdisho dhaca loo geeysanayo Shacabka, isla markaana arrintaasi tallaabo deg deg ah u qaadi doonaan.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa ku amray Saraakiisha Ciidanka booliska ee uu la shiray inay wax ka qabtaan Dadka waxyaabaha anshax xumada ah kusoo bandhigaya Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok.

Warkaan kasoo baxay Taliska Booliska Somalia ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah Shacabka Muqdisho ay ka cabanayeen dhac loo geeysanayay.