Wasaaradda Diinta ee XFS oo 3-qodob ka soo saartay baneysiga dhiigga Islaamka ee Nabadiidka Al-Shabaab

7

Warsaxaafadeedku waxa uu u qornaa sidaan:-

Dhawanahaan ururka argagaxisada ah ee Al-Shabaab waxa uu sii deynaayey muuqaalo iyo war saxaafadeedyo ujeedkoodu yahay in kooxdu ugu cudurdaarato fikradahooda khaldan ee aan sal iyo raad toona kulaheyn Diinta Islaamka.

Kooxda oo u qiil raadineeysa baneysiga dhiiga, hantida iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed, ayaa soo gudbisay wax ay ku magacaabeen daliil Diimeed oo ay ku marin habaabinayaan ummadda Soomaaliyeed kuna ayidayaan afkaartooda guracan. Hadaba Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya oo si dhaw ula socotay muuqaalo tixane ah oo beryahaanba kooxdu sii deyneysay waxa ay soo saartay qodobada soo socda:

1) Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay ay u cadeyneysaa shacabka Soomaaliyeed in fariimaha kasoo yeeray Al-shabaab aysan Diinta Islaamka raad ku laheyn wasaaraduna diyaar u tahay in ay mid mid uga jawaabto dhaamaan qodobada ay ku xuseen doodooda.

2) Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay ugu baaqeysaa Culimada muslimiinta guud ahaan gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed shirweeyne lagu iftiiminaayo loogana jawaab celinaayo dooda ururka Al-shabaab u cugsaday kuna difaacay ficiladooda, si Ummadda Soomaaliyeed looga badbaadiyo dhagarta fikriga ah ee kooxda.

3) Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay mar waliba diyaar u tahay in aay si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duulaan kasta oo fikri ah ummadda Soomaliyeed kaga yimaada kooxda Al-Shabab & dhamaan kooxaha xagjirka ah.