Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Dalka Itoobiya Oo Cakiran

2

Xaaladda dalka Ethiopia ayaa meel cakiran mareysa, Xoogagga mucaaradka ee ay Jabhadda TPLF ugu weyn tahay ayaa qabsaday magaalooyin halbowle ah, wararka qaarna waxa ay shegayaan in wax ka yar 200 mile ay u jiraan magalada caasimadda ah.

Waxaa socda dadaal ay wadaan waddamada galbeedka oo uu Mareykanku ugu horreeyo kaasi oo lagu doonayo in caasimadda dagaal looga badbaadiyo.

Shalay ayaa waxaa booqday Ethiopia Ergayga arrimaha geeska Afrika u qaabilsan Mareykanka Jeffrey Feltman oo lafilayo in uu la kulmo Abiy Ahmed , ujeedada safarkiisa ayaa waxay tahay in xaalada Ethiopia uu talaabo Ka qaado.

Xoogagga mucaaradka ee  TPLF ayaa sanad Ka hor soo qaaday dagaalka ay Kula jiraan Dowladda Ethiopia iyadoo markaas si deg deg ah loo jabiyay ayaa waxay hadda qabsadeen magaalooyin dhowr ah iyagoona laga cabsi qabo in ay qabsadaan caasimada dalkaas