Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Dalab Hordhigay Maamul Goboleedyada

17

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa boggaadiyay bilaabashada Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo la doortay labadii 2 Xildhibaan ee ugu horeeyey ee Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashadaasi ayaa ka dhacday Dugsiga tababarrada Booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isla markaana ah xaruntaas loo asteeyay in lagu qabto doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi Somaliland.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka, si looga gudbo Marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Natiijada doorashadiI shalay dhacday ayaa waxa kursigii 1-aad ee ay sumadiisu ahayd HOP 239 ku soo baxay Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) oo helay codad gaaraya 97 cod, halka kursigii 2-aad ee Golaha shacabka ee ay sumadiisu ahayd HOP237 uu kusoo baxay Biixi iimaan Cigge oo helay 91 Cod oo afartii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan ahaa.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobl dadaal uu ku hirgeliyay galiyay qabsoomida Doorashada Golaha Shacabka, iyagoo sidoo kale u mahadceliyay Guddiga maamulka doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada kuraasta harsan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi (Somaliland), waxaana Guddiga doorashada Somaliland uu wadaa diyaar garoowii ugu dambeeyay ee doorashada.