Dowladda Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

5

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo.

Kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq iyo Safiir Lucas Tumbo ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

nta uu socday kulanka labada dhinac ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday qaban-qaabada kulan gaar ah oo ay yeeshaan guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August,  Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dad.

Si kastaba xiriirka u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya  ayaa dhowr jeer xumaaday, isla markaana gaaray heer Safaaradaha labada dal ay xirnaadan muddo 6 bil ah, balse markii dambe heshiis ayey labada dhinac ka gaareen khilaafyadii siyaasadeed ee u dhexeeyay.