Masuuliyiin Ka tirsan Xisbiga Waddani Oo shaaciyey Musharaxnimadooda Hogaanka Xisbigaasi.

1

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ka baaqday inuu ka qeyb galo shirka caalamig ah ee looga hadlayo wax ka qabashada cimilada aduunka ee sii xumaanaysa kadib markii dowladda Britain ay ku guul dareysatay iney buuxiso dalabyada xukuumadda Ankara ee ku aadan sugidda amniga madaxweynaha Turkiga, sida  saraakiil Turkish ah u xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Mr Erdogan ayaa Turkiga ku laabtay kadib markii uu ka qeyb galay shirkii madaxda G20 ee ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga halkii ay aheyd inuu u safro magaalada Glasgow ee dalka Britian sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu.