Maamulka Koonfur Galbeed oo AMISOM kala hadlay sugida Amniga doorashooyinka

1

Magalada Baraawe ee xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa kulan ku yeeshay Wasiirada Arrimaha Gudaha & Dhalinyarada Koonfur Galbeed & saraakiisha Ciidamada  AMISOM ee ka howlgalla degmadaas.

Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka booliska Koonfur galbeed guddoomiyaha Degmada Baraawe ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ku saabsan anmniga doorashoyinka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa warbixin la xiriirta dhanka amniga degmada Baraawe & arrimaha doorashooyinka waxaa ay siiyeen mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirada Arrimaha Gudaha & Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa uga mahad celiyay saraakiisha Ciidamada AMISOM dadaalkooda ku aadan sugida amniga degmada oo sidoo kale ay ka socdeen howlaha sameynta Golaha degaanka degmada Baraawe.

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay degaannada Koonfur Galbeed inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana aad loo adkeeyay amniga degmadaas.