Soomaaliya oo laga hirgelinayo Xarunta ladagaallanka Ayaxa

3

Wafdigan Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Somaaliya iyo Wasiirada Beeraha ee Maamulada dalka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Xildhibaanno, Madaxdada Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada ee Puntland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Soo dhawaynta wufuudaani heer Federaal iyo Maamul Gobaleed kadib Wasiir ku-xigeenka Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka cimilada Puntland Marwo Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa kalmado soo dhawayn ah u jeedisay wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Wasiirada Beeraha ee Maamulada dalka, xustayna inay muhiimad gaar ah u leedahay imaatinka bahda Beeraha ee dalka.

Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhawaynta Garoowe loogu sameeyay, waxaana uu xusay in socdaalkooda Garoowe ee isaga  iyo wafdigiisu ay salka ku hayso furitaanka iyo shaqo galinta xarunta ladagaallanka Ayaxa Soomaaliya oo laga hirgaliyay magaalada Qardho, siina raaciyay inay ka soo qayb gali doonaan furitaanka xaruntaani wufuud heer caalami ah iyo hay’adaha la dagaallanka Ayaxa Geeska Afrika iyo Carabta .

Wasiir Ciid ayaa tilmaamay in xaruntaani noqon doonto mid sigaar ah loogala socdo dhaq dhaqaaqa Ayaxa ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika siina raaciyay in qordho tahay goobta ugu haboon ee lagala socon kara xaalada Ayaxa soogalaya dalkeelna iyo la dagaalankiisa intuba.