Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamanka Puntland Oo Soo Jeediyay In Somaliland Lagu Daro Liiska Argagixisada

19

Qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland ayaa maanta soo jeediyay in dowlad goboleedkooda ay Somaliland ku daro liiska argagixisada.

Soojeedintaas oo aanan lagu darin ajandihii maanta ayaa waxaa gadaal ka riixayay xildhibaano intooda badan ka soo jeeda gobolka Cayn ee maamulkaasi ayaa Somaliland ku eedeeyay inay deegaanno ka tirsan gobolkaasi ku abuurto dagaalyahannada Al-Shabaab.

Lama ogo waqtiga mooshinkaas lagu dari doono ajandaha oo ay xildhibaannadu ka doodi doonaan.