Weriye Maxamed Aweys Muudey -Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

0

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed Maxamed Aweys Muudey, oo si weyn loogu yaqaanay magaca “Boqorka Bartamaha”.

Boqorka Bartamaha ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar mindi ah oo uu ku qaaday qof Soomaali ah, sida ay sheegeen eheladiisa.

Marxuum Maxamed Aweys Muudey ayaa muddo dheer ka tirsanaa warbaahinta Qaranka iyo Tiyaatarka Qaranka, waxaana uu kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaanay saxaafadda iyo fanka Soomaaliyeed.

Geeridiisa ayaa murugo ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool dalka Jarmalka iyo saaxiibbadii uu ku lahaa bahda warbaahinta iyo fanka.

Dhacdadan ayaa sidoo kale dib u soo nooleysay walaaca laga qabo falalka rabshadaha ah ee mararka qaar dhex mara qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalalka Yurub.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay weerarka iyo xaaladda qofka loo maleynayo inuu geystay falka, iyadoo faahfaahinta rasmiga ah ay ku xiran tahay baaritaanka laamaha ammaanka Jarmalka.

Madaxdii hore iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida marxuumka.