Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka ayaa diiradda si gaar ah loogu saaray arrimaha ay ka mid yihiin ay ka mid yihiin dib u howlgelinta Guddiga Gurmadka abaaraha, Amniga guud ee dalka iyo Caabuqa COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay sida ugu haboon ay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan goobaha laga soo sheegayo abaaraha, si loo caawiyo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaartu ku dhufatay.