Faransiiska oo wax aan la’aqbali karin ku tilmaamay dad 60 sano kahor lagu laayay Paris.

65

Faransiiska oo wax aan la’aqbali karin ku tilmaamay dad u dhashay al-Jeeriya oo 60 sano kahor lagu laayay magaalada Paris.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku tilmaamay dambi aanan la’ilaawi karin dad u dhashay al-Jeeriya oo 60 sano kahor lagu laayay magaalada Paris.

17’kii October sanadkii 1961’dii ayay ahayd markii booliska Faransiiska ay laayeen dibad baxyaal Aljeeriyaan ah.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo diiwaan galin tirada dhimatay haddana waxaa lagu qiyaasay boqolaal.