Dowladda Uk Oo ka digtay weeraro kadhaci kara dalka Uganda.

54

Saddex maalmood ka dib markii Boqortooyada (UK) ay soo saartay digniin argagaxiso oo loogu talagalay muwaadiniinteeda ku sugan Uganda, ayaa taliyaha Booliska wadankaasi Martin Ochola  ku amray qaybta La-dagaallanka Argagixisada-Uganda inay kordhiyaan feejignaanta meelaha muhiimka ah.

Boqortooyada (UK) waxay tilmaamtay in argagixisadu qorsheynayso weerar aan kala sooc lahayn oo lala beegsado  meelaha ay ku badan yihiin ajaanibta.

“Argaggixisada Al shabaab waxay u badan tahay inay isku dayayaan inay weerarro ka geystaan Uganda. Weeraradu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo ay ku jiraan meelaha ay booqdaan ajaanibta. Waa inaad feejignaataan mar walba, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, xarumaha gaadiidka, maqaayadaha iyo baararka, iyo inta ay socdaan ciyaaraha ama dhacdooyinka diimeed, ” ayaa lagu yiri digniinta UK.
digniintaan ayaa keentay in Mr Ochola uu u xilsaaro laamaha la dagaalanka Argagexisada ee dalkaasi Uganda  in si buuxda ay u qiimeeyaan halista digniinta argagixisada ee UK, sidoo kalena  la hubiyo in dhammaan meelaha laga yaabo inay sahmin karaan argagixisada Al shabaab si dhow loola socdo.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay inaysan jirin wax cabsi ah oo argagaxiso oo laga dareemay Uganda, laakiin wuxuu sheegay in qeybtooda La-dagaallanka Argagixisada ay sii wadi doonto la socodka dhammaan goobaha la tilmaamay inay suurta gal tahay in la weeraro. Enanga ayaa intaas ku daray in maadaama aysan jirin tuhun weyn oo argagaxiso, aysan sare u qaadi doonin heerarka ugu sarreeya ee feejignaanta maadaama ay dhici karaan xalaado kale oo kaduwan mida argagexiso.

Uganda ayaa diiwaangelisay dhacdadii ugu weyneyd ee argagaxiso sanadkii 2010, markaasoo in ka badan 70 taageerayaal kubbadda cagta ah oo daawanayey ciyaartii finalka Koobka Adduunka ay ku dhinteen qaraxyo mataano ah oo ka dhacay maqaayadda Ethiopian Village ee gobolka Kabalagala iyo Kyadondo Rugby Club.

Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda falkaas,.