Puntland oo fasaxday shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha maamulkaas.

51

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Puntland kaas oo wargelin ahaa ayaa lagu fasaxay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Puntland  maalinta Talaadada ah oo ku beegan xuska Dhalashada Nebi Muxamed SCW (Mowliidka).

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa hay’adaha Caalamiga ah  in ay fasax yihiin maalintaas.