Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimatay in ka badanna waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu ka dhacay gudaha masaajidka shiicada ee magaalada Kandahar ee koonfurta Afghanistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha gobollada.
Qaraxa oo dhacay Maanta oo Jimce ayaa ka dhacay masaajidka Biibi Fatima, oo ah masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada ee magaalada Kandahar.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afganistan Qari Sayed Khosti ayaa bartiisa Twitter -ka ku yiri: “Waan ka xunahay inaan maqalno in qarax uu ka dhacay masaajid ay ku jiraan walaalaha shiicada oo ku yaal degmada koowaad ee magaalada Qandahaar halkaasoo ay ku shahiideen kuna dhaawacmeen tiro ka mid ah dadka aan isku dalka nahay.”
Ciidamada gaarka ah ee Daalibaan ayaa gaaray aagga qaraxa uu ka dhacay si ay u ogaadaan sida ay wax u dhaceen iyo in sharciga la horkeeno dambiilayaasha”, ayuu raaciyay.
Goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inuu maqlay saddex qarax, mid ka mid ah albaabka weyn ee masjidka, mid kalena uu ka dhacay aagga koonfureed, iyo kan saddexaad uu ka dhacay qeybta weeysada ee masjidka.