Xildhibaanka tirsan Baarlamaanka UK oo la dilay

32

Xildhibaan David Amess oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo 69 jir ah ayaa geeriyooday ka dib markii la tooriyeeyay dhowr isagoo ka qeyb galayay kulan bulsho oo ka dhacayay  bariga England. Nin 25 jir ah ayaa la xiray.

“Waxaa loo sameeyay adeegyada gurmadka laakiin, nasiib darro, wuxuu ku dhintay isla goobta,” ayay booliisku sheegeen. “Nin 25 jir ah ayaa si dhaqso ah loo xiray kadib markii askarta ay goobta soo gaareen iyagoo looga shakisan yahay dil iyo mindi la helay.”

Dambi -baareyaasha ayaa sheegay inaysan raadineynin cid kale oo ku lug leh dhacdada. Ma jirin wax tafaasiil ah oo ku saabsan cida ka dambeysay weerarka oo ay booliisku sheegeen.

Raiisel wasaare Johnson ayaa dib ugu soo laabtay London isagoo ka yimid kulan ka dhacay Bristol, galbeedka England ayaa amaaney shaqooyinkii uu soo qabtay xildhibaanka la tooriyeey.