Madaxweyne Farmaajo oo farriin Culus u diray Dowladda Kenya

2

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed farmaajo ayaa ka hadlay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Cadaaladda adduunke ee ICJ.

Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay Kiiska badda, ee Dowladda Kenya u diiday in gorgortan la la galaan, kuwaasi oo ku adkeystay go’aanka Maxkamadda.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbaddiisu u badnayd mid mahadcelin ah ayaa si gaar ah waxaa uu ugu mahadceliyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo isago dacwadda furay,waxaana sidoo kale uu Madaxweyne farmaajo uu doorkooda ku ammaanay RW Wasaare ku xigeenka dalka iyo shaqsiyaadkii ka qayb qaatay Dacwadda badda.

Waxaa sidoo kale uu Farmaajo shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay xadgudubyo waa weyn ka gaystay dalka, isagoo sheegay in dad shacab ah ay duqeymo ku dishay, sidoo kalena ay si cad ugu xad gudubtay madaxbannaanida Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray in Dowladda Kenya ay faragalin qaawan kusoo qaadday Dowladdaan hadda muddo xileedku ka dhammaaday, iyadoo sidoo kale Dowladda Kenya ay ku xadgudubtay qaranimada Soomaaliya,iyadoo Madaxweynuhu uu ka dhawaajiyay in maamul Goboleedyada dalka ay si toos ah u faragalisay taasi oo uu sheegay in Dowladdiisu ay iska diiday.

Kenya ayuu ugu baaqay in ay u hoggaansanto go’aank kasoo baxay maxkamadda Caalimaga ah ee ICJ, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay in ilaaliso madaxbannaanida iyo qaranimada Soonaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu dhankooda baaq  u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in loo baahn yahay in laga wada shaqeeyo qaranimada iyo horumarka dalka.