Ciidamada DFS iyo Galmudug oo la wareegay Ceeldheere

2

Ururka Ahlusunna ayaa isaga baxay degaanka Ceeldheere oo u dhexeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Ceeldheere kadib markii ay isaga baxeen Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa todobaad ka hor Galmudug ka qabsatay degaankaas Ceeldheere oo qiyaastii 28km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Dhuusamareeb

24 saac ee la soo dhaafay Ahlusunna waxay ka baxeen degmada Matabaan oo ka tirsanĀ  Gobolka Hiiraan iyo degaanka Ceeldheere oo ka tirsan Galgaduud.