DR Maxamed Daahir Afrax oo London ku geeriyooday

19

Allaha unaxariiste, waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Qoraagii caanka ahaa ee Dr Maxamed Daahir Afrax.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa, iyadoona markii dambe uu u geeriyooday. Waxaa uu ahaa guddoomiyihii Akadeemiyad gobolleedka AGA.

Dr Afrax waxaa uu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ku qora afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriiska.Sheekooyinka lagu xasuusto ee uu qoray waxaa kamid ah Maana Faay oo aheyd mid aad u xiiso badan.