Qoyska Ikraan Tahliil oo caqabado heysta baarista Kiiska Ikraan u gudbiyay RW Rooble

12

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad.

Qoyska Ikraan ayaa mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay  ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble qoyska Ikraan Tahaliil  uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo, isla markaana gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska Tahaliil Faarax oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA.

Dhinaca kale Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa sheegtay in Maxkamadda iyo xeer ilaalinta ay u caddeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay ishor taagtay Madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA, ayna isku dayayaan in caddeymihii Kiiska oo idil la baabi’iyo oo ay ugu horeyso in la tirtiro kaamirooyinkii.