Guddoomiye Cirro oo sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabaneyso Doorashada Golaha Shacabka

3

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashooyinka dalka gaar ahaan tan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan weli dalka ka bilaaban.

Guddoomiye Maxamed Cirro oo wareysi siiyay VOA-da ayaa marka hore sheegay in  maamulada qaar aysan weli soo dhameystirin doorashada kuraasta Aqalka Sare oo ku harsan yihiin maamulada Galmudug iyo Jubbaland, ayna rajeynayaan la dhameystiro.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cirro in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bilaaban doonto maalmaha soo socda, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashaas ku dhacdo 50-kii maalmood ee loo qabtay.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Federaal ayaa tilmaamay in xubnaha Guddiga ay wadaan howlo badan oo ku aadan diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, wuxuuna xusay inay wadaan shaqooyinka lagu dardar-gelinayo doorashada.

Guddoomiye Cirro ayaa Carabka ku dhuftay in toddobaadkan la xareeynayo Guddiyadii ugu horreeyay ee soo xulaya Ergooyinka soo xuli lahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana dhawaan la guda geli doono doorashada Aqalka Sare hoose.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in khilaafyada siyaasadeed ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay dib u dhacyada doorashada ku yimid, balse laga gudbi doono.