Booliska oo ka Jawaabay Eed culus oo uga timid Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

3

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah ka Jawaabay eedeyn uga timid Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee muddo xileedkiisa dhammaaday Xildhibaan Cali Afgooye.

Afhayeenka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa beeniyay eedeynta uga timid Xildhibaan Afgooye ee aheyd in laba ruux oo laga soo qabtay degmada Afgooye ay afduubteen Ciidanka Booliska dowladda.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Cabdifataax Aadan in laamaha amniga 29-kii bishii September 2021 ay degmada Afgaooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose kasoo qabteen laba ruux oo eedeysane oo Warbixin hore looga haayay, kuwaasi oo la keenay Muqdisho, kadibna lagu xiray Xarunta CID-da.

Afhayeenka Booliska ayaa tilmaamay in raggaas ay ku socdaan baritaano kala duwan, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda ku shaqada leh, balse aysan Ciidanka dowladda aysan soo afduuban raggaas oo ku xiran CID-da.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Cabdifataax Aadan Xasan ayuu sheegay in Xildhibaan Cali Afgooye uu tegay Xarunta CID-da ee Muqdisho, lana soo dhaweeyay, isla markaana lagu wargeliyay in labada eedeysane xiran yihiin oo baaris ku socoto.

Ugu dambeyn Afhayeenka Booliska dowladda ayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Cali Afgooye u caddeeyay in ragga lasoo qabtay aan lasoo afduubin, wuxuuna wax laga xumaato ku tilmaamay eedeynta uu Xildhibaanka u jeediyay Taliska Booliska