Taiwan oo Shiinaha uga digtay inay kusoo xadgudubta hawada Jaziiradaasi.

15

Madaxda Tiawan  ayaa ugu baaqay xkuumada Bajiin inay joojiyaan howlgalada daandaansiga ah ee ay diyaaradaheedi dagaalka ay ku dul marayaan hawada jaziirada Tiawan, ku dhawaad 56 diyaarad oo nooca dagaalka ah ayaa la tilmaamay in maalintii isniinta kaliya ay dul mareen hawada jaziiradaasi.

Dowladda Shiinaha oo eedaasi ka jawabaysay ayaa tilmaamtay in waxa socda ay mas’uuliyadeedi qaadeyso dowladda Mareykanka oo booqasho joogta ah ku tagayaan masuuliyiintodi  Jaziirada Taiwan.