RW Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baraawe

2

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee uu ku tagay Baraawe ayaa lagu sheegay uu u kuur galida xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona, iyadoo uu sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah xarumaha adeegyada bulshada ee Baraawe.