Ciidamo Booliska ah oo ka tirsan AMISOM oo gaaray Garbahaarey.

11

Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa gaaray diyaarad waday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska AMISOM oo iskugu jira Saraakiil iyo Askar.

Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Garbahaareey ayaa Garoonka Degmada kusoo dhaweeyay Ciidamada Booliska ee AMISOM ka tirsan kuwaas oo tiradooda ay tahay 20 meeyo.

Ujeedka Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska  ee ka socda AMISOM  ay Degmada Garbahaareey u gaareen ayaa ah iney Ciidamada DS garab ku siiyaan sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee dhawaan halkaasi ka ka dhici doonta.

Golaha Wadatashiga Qaran heshiis ay muqdisho ku wada sixiixeen ayuu qeyb ka ahaa talaabadaani Ciidamada AMISOM lagu  geeyay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.