Madaxweynaha Filibiin oo ku dhowaaqay in uu ka fariisanayo siyaasadda

6

Madaxweynaha Filibiin, Rodrigo Duterte ayaa sheegay inuu ka fariisanayo siyaasadda, isla markaana uusan u istaagi doonin doorashada sannadka dambe.

Hoggaamiyaha oo 76 jir ah ayaa bishii hore sheegay in uu u tartami doono Doorashada madaxweynaha sannadka 2022. Dastuurka dalka ayaa kaliya u oggolaanaya madaxweynaha in uu xilka hayo lix sano oo keliya.

Laakiin wuxuu hadda sheegayaa inuu ka noqon doono, maadaama “dareenka aadka u badan ee reer Filibiin ay tahay inaanan u qalmin”. Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo la isla dhexmarayo in gabadhiisa ay u tartami karto xilka madaxweynaha.