Uganda iyo Kenya oo ka wada-hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

12

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka socday dowladda Uganda oo uu hoggaaminayo talyaha ciidamada Lugta ee Kampala,  Lt Gen Muhoozi Kainerugaba.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya, iyo sidii ay isaga isaga kaashan lahaayeen howlgallada ka dhan ka ah Al-Shabaab ee socda.

Labada wadan ee Kenya iyo Ugada ayaa ciidamadooda ka mid yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo dowladda Soomaaliya ka caawiya arrimaha amniga.

Talyaha Lugta ee Uganda iyo wefdi saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa safar magaalada Muqdisho ku yimid toddobaadkan gudahiisa, waxayna la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale, Saraakiisha AMISOM ayuu kala hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo hannaanka ciidamada Ajaniba looga saarayo dalka.

Sargaalkan ayaa kulamo la qaatay ciidamda Uganda ka jooga Soomaaliya, isaga oo ka dhageystay warbixinadii u dambeeyay ee howl-galada ay ka wadaan Soomaaliya