Puntland oo ciidamada ugu baaqday in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish

13

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal  oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ciidamada Puntland ka dalbaday in ay xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab iyo Daacish eek u sugan deegaanada maamulkaasi.

Xasan Shire ayaa tilmaamay in Puntland ay markasta iska difaaci doonto cid walbo oo weerar ku qaaday maamulkooda, islamarkaana ay tilaabo adag ka qaadi doonto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ciidamada u balanqaaday inay heli doonaan  xuduuqdooda, islamarkaana ay xoojiayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna ayaa hadalkan waxaa uu sheegay munaasabad tababar loogu soo xiray cidiamo ka tirsan Maamulka Puntland