sheekh shariif oo ku baaqay in la joojiyo xiisada ka taagan Galmudug.

2

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka taagan deegaanada Galmudug, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

“Waxaan ka xunahay dagaalka iyo Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Bohol iyo Magaalada Guriceel ee u dhexeeysa Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay”ayuu yiri Shiikh Shariif.

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa dalbaday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Colaada Galmudug ee u dhexeeysa ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna, isla markaana wax kasta oo khilaaf ah lagu dhammeeyo wadahadal, si uusan u daadan dhiig.