M/weyne Qoor qoor oo gaaray dhuusamareeb iyo xiisad wali taagan .

8

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka dagay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug

Waxaana Sidoo kale wararka ay sheegayaan in madaxweyne Qoor Qoor ay safarkiisa ku wehliyaan Senatoro iyo Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu bilaabo kulamo xal loogu raadinaayo xiisadda haataan kataagan maamulka Galmudug.

Maanta ayay aheed markii ciidamo taabacsan Ahlusuna ay gabi ahaanba ay lawareegeen gacan kuheenta Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.