Qoorqoor iyo Senotaro ku wajahan Dhuusamareeb

20

Madaxweynjaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor iyo xubno ka mid ah sanoterada aqalka sare ee BFS ee ku metalada Galmudug ayaa saacadaha soo aadan gaari doono Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ujeedka madaxwyne Qoor qoor iyo xubnahan ayaa lagu sheegay in ay kulamo ka yeelan doonaan xiisada ka soo cusboonaatay duleedka magaalada Dhuusamareeb, kadib markjii halkaasi ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

Masuuliyiintan ayaa marka ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb waxaa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan bulshada iyo saraakiisha ciidamada Galmdudug.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in ay go’aano adag ay ka soo saareen hub uruursiga ay kooxda Ahlusuna ka wado deegaano ka tirsan Galmudug.