Ciidamada Ahlu-sunna oo la wareegay Magaalada Guriceel

1

Ciidamo taabacsan Ahlu-sunna ayaa si nabad ah duhurnimadii maanta ula wareegay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Wariyaha Galguduud ee KNN ayaa soo sheegaya in Ahlu-sunna ay qabsadeen xaruumaha muhiimka ah ee magaalda sida Saldhiga Booliiska.

Talyaha Saldhiga Booliiska Guriceel ayaa la sheegay in uu isku dhiibay Ciidamada taabacsan Ahlu-sunna ee gudaha u galay magaaladaasi.

Shacab badan ayaa isugu soo xoomay agagaarka Saldhiga Booliiska, si ay eegaan is-badelka magaalada ka dhacaya.

Dhinaca kale, Ahlu-sunna ayaa soo bandhigtay saddex gaari oo ay sheegtay in shalay ay ka qabsatay Milateriga Soomaaliya oo dagaal kula galay degaanka Bohol oo duleedka ah Dhuusamareeb, xaalada Galmudug, gaar ahaan tan Guriceel ayaa xiligaan qasan.

Qabsashada Ahlu-sunna ee Guriceel waxay ku soo aadeysaa iyadoo Madaxweynaha Galmudug oo ku suganyahay Muqdisho iyo xili uu dalka ku jiro jawi doorasho.