Itoobiya oo ceyrisay saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey

1

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay dalkeeda ka ceyrinayso toddobo sarkaal oo sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay kaddib markii ay “faragalin” ku sameeyeen arrimaheeda gudaha.

Barta twitter -ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta ay haystaan 72 saacadood oo ay dalka uga baxaan.

Itoobiya ma cayimin eedeymaha loo soo jeediyay mas’uuliyiinta la eryay; shan ka mid ah waxay ka shaqeynayeen Xafiiska Isku -duwidda Arrimaha Bani -aadamnimada ee UNOCHA, mid wuxuu ka socda Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) midna wuxuu ka socdaa Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha.

Qaramada Midoobey ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay walaac ka muujisay xayiraad muddo saddex bilood ah la saaray gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka ay dagaalladu aafeeyeen ee Tigray.