Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay amniga iyo dhaqaalaha.

3

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamulka Jubbaland (Madoobe) ayaa gudoomiyay Shirka kulanka Golaha wasiirada Maamulkaas oo khamiis walba ka qabsooma Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Golaha ayaa shirkooda waxaa ay kaga hadleen arimaha amaanka, dhaqaalaha, dhismaha biyo xireenada wabigaga Jubba, iyo wada shaqaynta Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda Goboleedka Jubbaland.

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa warbixino la xiriira howlaha ay qabteen iyo kuwa u qorsheysan ka dhageystay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, isagoona ka warbixiyay arrimahaasi.

Sidookale Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay safarkii dibadda ahaa ee uu ku maqnaa, Isagoo Golaha uu kula dardaarmay inay dardara geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada degaannada Jubbaland.

Todobaadkii mar ayaa la qabtaa Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland waxaana looga hadlaa hadba wixii taagan oo ku saabsan dalka soomaaliya si gaar ah deegaanada Maamulkaasi.