Afar dhalinyaro ah oo Ciidanka Booliska Hir-shabelle ay ku xireen Jowhar.

12

Wararka aan ka heleeno Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hir-shabelle ayaa sheegaya in afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaaladaasi ay Ciidamo Boolis ah ku xirxireen.

Ciidamada Booliska ayaa ah kuwa Hir-shabelle, iyagoo mid ka mid ah afarta dhalinyaro uu watay funaanad ay ku qorneyd magaca Hiiraan State, halka seddex dhalinyaro kale ay iyaguna sheegeen iney la ogaayeen.

Qaar ka mid ah ehalada dhalinyarada afarta ah ee Ciidanka Booliska Xireen ayaa Warbaahinta u sheegay in ilmahooda habeenkii xalay ahayd si gardaro ah ay ugu hoydeen Saldhiga Magaalada Jowhar.

Waxaa la sheegaa in Magaca Hiiraan State uu wadno qabad ku yahay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hir-shabelle islamarkaana aanan laga jecleyn gobolka Hiiraan, iyadoo tan iyo markii la doortay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo muddo 11 bilood ah kasoo wareegatay laga diidan yahay inuu tago magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.