Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Puntland?

3

Madaxweynaha Maamulka Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Maamulkaasi Puntland, iyadoo looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland.

Shirka Golaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyadoo dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan.

Sidookale Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay adeega dadweynaha loo hayo iyo sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna Madaxweynuhu la wadaagay Golaha Wasiirada in la dhiirigeliyo ganacsatada yarya