Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan ay isku Uruursanayeen Ciidanka Ahlusunna

1

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga qeybta 21-aad ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen degaanka Bohol oo dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dad ayaa soo weriyey in degaanka Bohol ay saacadihii lasoo dhaafay isku uruursanayeen Ciidamo taabacsan ah Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay, kuwaasi oo dagaal daqiiqado socday la galay Ciidanka Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay inya gudaha u galey deegaanka Bohol, kadib markii xubnaha is aruursadey ee Ahlusunna ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha Ciidanka dowladda ee Bohol, isla markaana ay isaga baxeen halkaas Ahlusunna.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray labada dhinac, in kastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in xiisad kacsanaan ah ay ka jirto degaano ku dhow Dhuusamareeb.

Hoggaamiyayaasha Ahlusunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay Gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

Saraakiisha sare ee ururka Ahlusunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka.