Faah-faahino ka soo baxaya dagaalka Ciidanka Ahlu-sunna iyo kuwa Dowladda

14

Ciidamo hoos yimaada hoggaankii Maamulka Ahlu-sunna ayaa dib ula wareegay deegaanka Bohol oo hoosyimaada Magaalada Dhuusamareeb ee xarruunta Galmudug.

Dagaal subaxnimadii saaka billaawday ayaa is-taagey, waxaana lagu soo warramayaa in dhinacyada ay iskood u kala tageen.

Askarta dowladda oo maanta duhurkii weerar kula wareegay deegaankaasi ayaa isaga baxay deegaankaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in dagaalka ay ka dhasheen, kuwaasi oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay. Tiro dhaawacyo ah ayaa la gaarsiiyay magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaa ciidamada booliiska ku amray in ay ka hor-tagaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamada Ahlu-sunna oo sannad ka hor lagu biiriyay ciidamada dowladda.

Ahlu-sunna ayaa deegaanada Galmudug uga dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.