DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay howlgal ku dishay.

1

Ciidamo iskugu jira Militari iyo Boolis oo ka wada tirsan  Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal wada jir ah ka fuliyay tuulooyinka hoostaga Wabiga Shabeelle.

Ciidamada ayaa la sheegay in  howlgaada ay ka fuliyeen degaannada Laanqeerta, Tokyo, Ceel-Jaalle, Beerta Cali Mahdi, Boolo Fooliyo, kuwaas oo shamaanbood ku yaala gaar ahaan jinka Wabiga Shabeelle ee dhanka Muqdisho.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada horkeyca ayaa waxaa ay sheegeen in Goobaha qaar howlgallada laga fuliyay ay ku yaaleen Maxkamado ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Intaa waxey ku dareen  Saraakiishu in howlgalka lagu dilay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaateyn jiray dadka ku nool degaannada howlgalka laga fuliyay.

Ciidamada Militariga qeybahooda kala duwan ayaa Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo dhinacyada dagaalo Xoogleh uu halkaa ku dhexmaro oo sababa Khasaaro u badan dhimasho soo gaara dad shacab ah iyo labad dhinac.