Xukun lagu riday Askari Dhac dartiis Magaalada Muqdisho ugu dilay qof shacab ah

8

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska oo dil ka geystay Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa Dable Boolis Maxamed Cabdi Jaamac Joof ku heshay dembi ah inuu si bareer ah Isgoyska Ceeb-gaab ee degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir ugu dilay Marxuum Yaxye CabdiCaziiz Maxamed 22-kii June Sanadkan.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa dalbatay in Dable Boolis Maxamed Cabdi lagu rido xukun dil ah oo ah qisaasta Marxuum Yaxye CabdiCazii oo saddex xabbadood uga dhuftay Madaxa, si bareer ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Dable Boolis Maxamed Cabdi Jaamac Joof lagu xukumay dil toogasho ah.

Si kastaba xukunsanaha ayaa u dilay Marxuumka Yaxye CabdiCaziiz Maxamed dhac uu u gaysanayay darteed, waxaana uu  dilkaas ka dhacay degmada Xamarjajab gaar ahaan Isgoyska Ceel-gaabta 22-kii June Sanadkaan 2021.